Qoysaska iyo ardayda ka diiwaangashan Dugsiyada Dadweynaha ee Portland, halkan iska diiwaangeliya Maamullka Imtixaanka Meelaynta Sare (AP®) ee 2021.
Haddii aanad arday ka ahayn dugsi sare oo PPS ah, laakiin aad jeclaan lahayd in aad qaadato imtixaan AP ah, fadlan kala xidhiidh Anna Lortz 503-916-3517
Isdiiwaangelintu Wakhtiga ay Ku Egtahay: 13 ka Oktoobar, 2020 (habeen badhka PST)
Tallaabooyinkan raac si aad isugu diiwaangeliso Imtixaanka AP:
Tallaabada 1 aad: Soo Gudbi Debaajiga Lacagta Imtixaanka – Haddii aad ku bixisay lacagta kaash ahaan, jeeg ahaan ama se kaadhka deynta, ku bilaw habka lacag bixinta APTS. $40 oo debaaji ah halkii imtixaanba waxa dalbanaya APTS 13 ka Oktoobar, 2020. Kharashku caqabad kuma aha qaadashada imtixaanada AP! La xidhiidh Isuduwahaaga AP haddii aad u baahato caawimo dhaqaale. Imtixaan AP ah laguu dalbi maayo haddii bixinta debaajiga ama qorshaha caawimaada dhaqaale aan la samayn.
Tallaabada 2 aad: Ka Shaqaysii Imtixaankaaga APÒ – Kaga biir qaybtaada “keliya-imtixaanka” AP akownkaaga MyAP (https://myap.collegeboard.org). Habkani waxa uu dhacayaa adiga oo kaashanaya macallinkaaga AP ga. 13 ka Oktoobar, 2020 waa wakhtiga ugu dambeeya ee aad ku biirayso qaybtaada “keliya-imtixaanka” ee imtixaanka AP.
Muhiim: Waa in aad dhamaystirtaa labada Tallaabo ee 1 iyo 2 13 ka Oktoobar, 2020 si imtixaankaaga AP laguugu dalbo. Diiwaangelinaha la dhamaystiro ka dib 2 da Nofeembar, 2020 waxa lagu ganaaxi doonaa lacago ganaax ah oo ah $40/imtixaankiiba.
Tallaabada 3 aad: Soo gudbi baaqiga lagugu leeyahay – Inkasta kharashka dhameyska tiran ee imtixaanka AP oo kasta uu yahay $70 ($118 na uu yahay Capstone), debaaji $40 ah ayaa u ogolaan doonta PPS in ay dalbaan imtixaankaaga. Laga bilaabo 30 ka Nofeembar, waalidiinta/koriyeyaashu waxa ay kaga heli doonaan risiidh shakhsiyeed emaylka APTS oo ah baaqiga wixii lacag ah ee lagu leeyahay. Baaqiga oo dhamaystiran waxa la dalbanayaa Disember 11, 2020.
- Jadwalka Imtixaanka AP® ee 2021
- Qiyaasta Dhererka Wakhtiyada Imtixaanka AP®
- Warbixinta Kooban ee Loogu Talagalay Ardayda & Qoysaska AP
- Soo Gudbi Debaajiga Imtixaanada AP®
Macluumaad iyo Siyaasado Muhiim ah:
- TAARIIKHAHA IMTIXAANKA: 3-7 da iyo 10-14 ka Maajo, 2021
- Imtixaanka gellinka hore: Albaabada waxa la furayaa 7:15 GH; Soo gelitaanku waxa ay bilaabmayaan 7:30 GH
- Imtixaanka gellinka dambe: Albaabada waxa la furayaa11:15 GH; Soo gelitaanku waxa ay bilaabmayaan 11:30 GH
Imtixaanada aroortu waxa ay dhamaanayaan qiyaastii 12:00 gd imtixaanada gellinka dambena 4:00 gd (Ka eeg qiyaasta dherarka wakhtiyada imtixaanka halkan). Ardayda looma ogola in ay hore uga baxaan wax imtixaan ah oo AP ah.
- GOOBTA: Dhammaan imtixaanada AP waxa ay ka qabsoomi doonaan Xarunta Bandhigga ee Portland, 2060 W. Marine Drive 97217, imtixaanada AP ga ah ee Shiinaha iyo kuwa AP ga ah ee Jabbaaniiska marka laga reebo, kuwaas oo ka qabsoomi doona dhismaha maamulka PPS ee muhiimka ah: 501 W. Dixon St. Hubi in aad isu ogolaato wakhti kugu filan oo aad ku gaadho goobta imtixaanka ka hor inta aanu bilaabmin soo gelitaanku.
Fadlan ogsoonow: Haddii sababo la xidhiidha walaacyada laga qabo COVID 19 imtixaanadu isku beddelaan qaab onlayn ah mar kale, waxa aad heli doontaa macluumaad wixii soo kordha iyada oo laguu soo marinayo iimaylada ardayga iyo waalidka/koriyaha ee aad siisay goobtan sida oo kale waxa laguu soo dhex marin doonaa dugsigaaga PPS. Macluumaadka u dambeeya sidoo kale waxa laga heli karaa pps.net/aptesting
- BAARKINKA: Waxa aanu ku talinaynaa in ardayda:
-
- Cid ay soo qaaddo
- Ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha ee TriMet: MAX ama Bas (https://trimet.org/)
- Gaadhi-wadaag – baarkinka Expo Center waa bilaash
- KHARASHAADKA: Qiimaha dhameyska tiran ee imtixaankii AP®ahiba waa $70. Imtixaanada AP ee Capstone (Cilmi-baadhista AP iyo Siminaarka AP) waa $118 midkiiba. Imtixaan kasta oo la dalbado wixii ka dambeeya 2 da Nofeembar, 2020 waxa la ganaaxi doonaa $40 oo dheeraad ah lacagta habsanka ah ee imtixaankiiba. Caawimo Dhaqaale ayaa ay heli karaan ardayda PPS. (eeg halka hoose)
- KHARASH-BIXINTA: Debaaji-bixinta iyo hadhaaga kharashyada lagugu leeyahay ee imtixaanada waxa loo samayn karaa mid ka mid ah saddex qaab:
-
- Onlayn ahaan adiga oo u adeegsanaya kaadhka amaahda ama kaadhka deynta barta APTSusa.com/pps (3% lacagta khidmadda ayaa lagu dari doonaa qiimaha kharashka imtixaanka)
-
- U diritaanka jeeg/xawilaad lacageed APTS.
- Siinta kaash caddaan ah xisaabiyaha dugsigaaga
Lacag khidmad ah oo dheeraad ah lama xisaabin doono diritaanka jeegga ama xawilaadda lacagta. Waxa lagugu siin doonaa tilmaamaha dirista dhamaadka foomka bixinta debaajiga. Ku calaamadso wakhtiga uu ku eg yahay si aad u xaqiijiso khidmad diris oo mudaysan in ay tahay 8 da Oktoobar, 2020. Haddii aad doorato in aad ku bixiso kaash ahaan, UGU HORRAYN dhamaystir foomka dalabka onlaynka ah ka dibna gudbi kharash-bixinta adiga oo u raacinaya nuqul dalabkaaga oo kooban ah xisaabiyaha dugsigaaga sare 13 ka Oktoobar, 2020. Diiwaangelintaada waxa loo tixgelin doonaa in ay tahay mid aan dhameystirnayn illaa rasiidhka kharash-bixinta kaashka, jeega ama xawilaadda lacagta la xaqiijiyo.
- Caawimada Dhaqaale waa diyaar. Kharashku kuma aha caqabad qaadashada imtixaanada AP!
-
- La xidhiidh Isuduwahaaga AP si aad u dalbato caawimaad 1 da Oktoobar.
- Waxa aad heli doontaa lambar sir ah oo qiimo dhimis ah si aad ugu adeegsato bartan APTS.
- Adeegso lambarkaaga sirta ah wakhtiga ay diiwaangelintu ku eg tahay ee 13 ka Oktoobar. Adeegsiga lambarka sirta ah ee aan la ansixin waxa uu keeni karaa in laga noqdo dalabka imtixaanka illaa kharash-bixin dhameystiran la helo.
- KA NOQOSHOOYINKA: Si aad uga noqoto imtixaan wixii ka horreeya wakhtiga uu ku eg yahay ee 2 da Nofeembar, fadlan u dir emayl cancel@aptsusa.comoo ku dar magaca ardayga, magaca dugsiga, iyo magaca imtixaanka uu ardaygu doonayo in uu ka noqdo. Sanadkan, kharash-celin dhamaystiran ayaa loo samayn doonaa imtixaan kasta oo AP ah kuwaas oo laga noqday ama aan la adeegsan.
- SAXEEXA-Elegtarooniga: Adiga iyo waalidkaaga/koriyehaaga waxa la idinka dalban doonaa in aad bixisaan saxeex elegtaroonig ah oo aad ku ogolaanaysaan laba shay:
- Ardaygu waxa uu haystaa ogolaansho uu ugu/kaga socdaali karo goobta(aha) imtixaanka ee aan xarunta waxbarashada ahayn.
- Adigu (ardayga) waxa aad u hogaansanaan doontaa xeerarka nabadgelyada imtixaanka sida ay dhigayaan tilmaamaha PPS ee goobtan diiwaangelinta iyo sida oo kale Guddiga Kuliyadda Warbixin Kooban oo loogu talagalay Ardayda iyo Waalidiinta AP.
- Meelaha Gaarka ah ee Loogu Talagalay Ardayda Naafada ah: Guddiga Kuliyaddu waxa ay ka dalbanayaan ardayda raadinaysa meelaha gaarka ah ee imtixaanka ee AP®in ay codsadaan aqbalaad ka hor inta aan wax meel gaara ah la bixin. Fadlan codso ka hor wakhtiga ay ku eg tahay oo ah 16 ka Jeenawari, 2021. Qoysasku waxa ay codsan karaan taariikhdan ka dib, laakiin ma jirto wax damaanad ah in Guddiga Kuliyaddu ay dib u eegi doonaan codsiyada ka dib dhacay wakhtigii loogu talagalay ee imtixaanada Maajo. Fadlan la xidhiidh la taliyaha dugsigaaga ama Isuduwaha AP. Ardayda PPS ee lagu imtixaamayo meelaha gaarka ah waxa imtixaanka lagaga qaadi doonaa dugsigooga sare.
- Fadlan usoo qaado waxyaabaha soo socda imtixaankaaga AP® ga: weji gashad, sawir ID, 2 qallin beensal ah #2 oo af qoran (aan awtumaatig ahayn), istiigado, 2 qallin biiroo oo leh khad madaw ama buluug jaamud ah iyo kaalkuleetarro. Ka eeg Warbixin Kooban oo Loogu Talagalay Ardayda iyo Waalidiinta AP noocyo la horumariyey oo kaalkuleetarro ah.
- Fadlan soo qaado cunto fudud iyo biyo/cabitaan, ka soocan boorsadaada/shandaddaada dhabarka, oo ku jirta bac laga dhex arkayo. Waxa aad dhigi doontaa walxahan kursigaaga hoostiisa waxana aad qaadan kartaa oo keliya wakhtiga bareega ama kadib marka imtixaanku si rasmi ah u dhamaado. Caagadaha biyaha/cabitaanada lama ogola in ay saarnaadaan miiska imtixaanka dushiisa.
- WALXAHA AAN LA OGOLAYN: Qalabka elegtarooniga ah (taleefanada, saacadaha casriga ah, ama teknoolajiyadda la xidhan karo nooca ay doontaba ha ahaatee, laabtobyada, taabledada, koombuyuutarada, qalabka Bluetooth ka, qalabka la qaadan karo ee dhegaysiga ama duubitaanka—aaladda MP3 ga, iPod® ka, iwm.—kamaradaha ama qalabka sawirka ee kale, qalabka internetka lagu isticmaali karo, muddeeyeyaal gaar ah nooca ay doonaanba ha ahaadaane, iyo qalab kasta oo kale oo isgaadhsiin ah ama elegtaroonig ah) waa ka mamnuuc qolka imtixaanka iyo aagga bareega. Haddii aad usoo qaadato wax ka mid ah agabkan goobta imtixaanka AP ga, waxa lagaa dalban doonaa in aad u dhiibto shaqaalaha AP waxana laguu soo celin doonaa dhamaadka imtixaankaaga. Arday kasta oo lagu arko ama adeegsanaya wax ka mid ah agabkan inta lagu gudo jiro imtixaanka/bareegyada waxa laga yaabaa in laga saaro imtixaanka, qalabka waxa laga yaabaa in lala wareego, dhibcaha ardayga waxa laga yaabaa in la kansalo, imtixaanka in dib looga qaadana waxa laga yaabaa in aan loo ogolaan.
- Shandadaha dhabarka/boorsooyinka: Ma heli DOONTID kuwan wakhtina inta lagu gudo jiro imtixaanka, oo ay ku jiraan wakhtiyada bareegu.
- Soo gelitaanka & Bixitaanka: Ardayda yimaadda imtixaanka ka dib marka uu imtixaanku bilaabmo lama aqbali doono. Lama kala reebayo. Ardayda looma ogola in ay hore uga baxaan imtixaan AP ah. Haddii aad ciyaarto isboortiga ama aad haysato shaqo, waa adiga mas’uuliyaddaada in aad ku wargeliso tababarehaaga ama loo shaqeeyahaaga waajibkaaga imtixaanka AP. (Ka eeg qiyaasta dhererka wakhtiyada imtixaanka halkan)
- Imtixaanka AP ga ee Luuqadda Isbaanishka & imtixaanada Aragtida Muusiga ee AP waxa laga yaabaa in ay u baahdaan wakhti dheeraad ah oo lagu dhamaystiro qaybta duubitaanka codka ee ka mid ah imtixaanka. Ardaydani waa in ay soo qaataan cunto dheeraad ah maalmahan imtixaanka.
- ISKA-HORIMAADKA IMTIXAANKA: Ardayda jeclaan lahayd in ay isku diiwaangeliso laba imtixaan oo la bixinayo taariikh isku mid ah waa in ay kala xidhiidhaan info@aptsusa.comwixii caawimo ah.
- IMTIXAANKA HABSANKA AH: Guddiga Kuliyaddu waxa ay leeyihiin siyaasado adag oo ku saabsan u qalmitaanka qaadashada imtixaanka AP® inta lagu gudo jiro daaqadda Imtixaanka Habsanka ah (buuxinta ah). Lacago dheeraad ah ayaa la soo rogi karaa caddaymana waa la dalban karaa. Kala xidhiidh Isuduwaha AP®ee goobtaada wixii macluumaad ah ee dheeraad ah.
Haddii aad diyaar u tahay in aad soo gudbiso debaajiga lacagaha imtixaanka AP ga ah, riix halkan