Su’aalaha Inta Badan La Iska-weydiiyo imtixaanka AP ee PPS
Waa maxay sababta ay imminka u jiraan tallaabooyin badan oo ah diiwaangelinta imtixaanku?
Gudiga Kulliyada waxay Agoosto 2019 bilaabeen nidaamka cusub ee MyAP ee dalka oo dhan ee loogu talogalay Imtixaanada AP® ee Maayo 2020.
Qeybta kooxda imtixaanka onlaynka ee JOIN ayaa u oggolaan doonta Guddiga Kulliyada inay shaqsiyeeyaan qalabka imtixaanka ardayda ee maalinta imtixaanka, oo ay baabi’iyaan baahida loo qabo kalfadhyada kahor qaadista.
Intaa waxaa u dheer, iyaga oo waliba ku soo biiraya Kooxda Fasalka, ardaydu waxay awood u yeelan doonaan inay helaan shaqada guriga iyo laylisyada imtixaan ee ay bixiyaan Macalimiintooda AP® oo ay ku jiri doonaan su’aalo aamin ah oo ka imanaya Kaydka Su’aalaha ee Guddiga Kulliyada AP®. Ardaydu sidoo kale waxay fursad u heli doonaan inay dib ugu eegaan casharda iyo ilaha onlaynka ah iyo ay ka eegaan taleefanada casriga ah.
Imtixaankayga kuma jiro liiska Koodka ku biiridda Imtixaanka ee ku qoran iimaylka “Tallaabada xigta” Koodka Ku biiridda een ka helay APTS. Maxaan sameeyaa?
Fadlan la xiriir info@aptsusa.com si aad u hesho caawimo. Koodadka Ku Biirista Imtixaanka laguma bixin doono taleefanka. Fadlan hubi inaad ka soo dirto iimaylka isla ciwaanka iimaylka ku qoran foomkaaga bixinta lacagta imtixaanka.
Wali APTS kama aanan helin iimaylka “Tallaabada Xigta – Koodka Ku Biiridda Imtixaanka” waxaana kasoo wareegtay 24-saacadood goortii aan bixiyay lacagta. Maxaan sameeyaa?
Iimaylka “Tallaabada Xigta – Koodka Ku Biiridda Imtixaanka” waxa loo diray cinwaanka iimaylka ARDAYGA ee ku qoran foomka bixinta lacagta imtixaanka. Fadlan eeg qaybta “Junk” ee iimaylkaaga lagayaabaa in ay dhacdo in iimaylku halkaas uu galo. Haddii aad wali heli la’dahay iimaylka, fadlan la xiriir info@aptsusa.com si aad caawimo uga hesho. Koodadka Ku Biirista Imtixaanka laguma bixin doono taleefanka. Fadlan hubi inaad ka soo dirto iimaylka isla ciwaanka iimaylka ku qoran foomkaaga bixinta lacagta imtixaanka.
Maxaa dhacaya haddii aanan geli karin Astaantayda Guddiga Kulliyada ama aanan xasuusan karin in aan mid leeyahay?
Ardaydu waxay Guddiga Kulliyada ka sameystaan astaan si ay uhelaan buundooyinka AP®, PSAT® iyo SAT®. Waxa laga yaabaa inaad horay u leedahay akoon haddii aad horay u qaadatay mid kamid ah imtixaannadan. Ha samaysan akoon labaad! Inta lagu gudajiro hawlaha dugsiga sare arday kastaa waa inuu ku lahaadaa HAL akoon oo keliya Gudiga Kulliyada oo ay ku kaydsan yihiin buundooyinka iyo macluumaadka AP®, PSAT® iyo SAT®. Si aad u heshid caawimaada gelidda booqo: https://pages.collegeboard.org/account-help or https://myap.collegeboard.org
Ardaydu sidoo kale waxay wici karaan Adeegyada Ardayda ee Guddiga Kulliyada ee AP® : 1-866-630-9305.
Macluumeedkee ayaan ku bixiyaa Astaantayda Isdiiwaangelinta MyAP ee Guddiga Kulliyada?
Ardaydu waa inay isticmaalaan magacooda sharciga ah (si ay ugu dhigmaan diiwaanada dugsiga), si magacuna sidoo kale uu ula mid noqdo Aqoonsiga ardayga ee dugsiga ama laysanka darawalnimada. Guddiga kulliyada ayaa sidoo kale waxay ugu diraan dhibcaha si elektiroonig ahaana Kulliyadaha/jaamacadaha. Kala duwanaanshaha magaca ayaa sababi kara mushkiladaha soo saarida natiijada dhibcaha iyo dib u dhacyo. Si aad u cusbooneysiiso magaca ama u saxdo magac, kala xiriir Guddiga Kulliyada taleefanka 1-866-630-9305.
Ardaydu waa inay adeegsadaan cinwaan iimayl oo ay heli karaan KADIB dugsiga sare.
Ardaydu waa inay Astaantooda (profile) diiwaangalinta ku qoraan lambarkooda Aqoonsiga Ardayga PPS
Maxay tahay sababta ay u jirto Koodka ku biirida ee uu macalinku bixinaayo?
Ardaydu waxay heli karaan ilo (khayraad) bilaash ah oo ay bixiyaan Guddiga Kulliyadu iyadoo la adeegsnayo akoonka MyAP marka lagu xariiriyo koorsada AP® ee macalinka dugsiga ku salaysan. Ilahan tilmaamaha ah waxa loogu talogalay inay ardayda ka taageeraan u diyaargarowga iyo ku guulaysiga koorsada. Dhamaan ardayda waa inay ku soo biiraan iyagoo isticmaalaya Koodka Ku biiridda ee macalinku bixiyay si ay u helaan ilaha koorsada, xitaa haddii aysan rabin in ay qaataan imtixaanka.
Waxaan seegay taariikhda kama dambaysta ah ee Noofambar 1 si aan iskaga diiwaangeliyo imtixaankayga. Maxaan sameeyaa?
Ardayda seegay waqtigan kama dambaysta ah waxa lagu daalici doonaa $40 ah ganaaxa khidmadda imtixaankiiba. Maalinta ugu dambeysa ee la soo gudbin karo imtixaan ay ku jirto lacagta ganaaxaani waa 1-da Maarso, 2020.
Maxay yihiin fursadaha Dhibcaha Kulliyada iyo Jaamacadda ee loogu talogalay imtixaannadan?
Xeerarka dhibcaha AP® ee jaamacadaha iyo kulliyadaha waxa laga heli karaa bogga Guddiga kulliyada Baadhida dhibcaha AP® – Waa mas’uuliyada ardayga inuu hubiyo in kulliyadu ay qorsheynayaan inay wax ka bartaan ay aqbali doonaan dhibcaha AP oo ay u gudbiyaan dhibcaha jaamacadda/kulliyada ay doorteen.
Haddii aad qorsheynaysid inaad dhigato jaamacad ku taala Oregon, fadlan dib u eeg sharciga dugsiga ee dhibcaha AP kahor intaadan iska qorin imtixaannada Luuqadaha Dunida AP®. Si aad u aragtid dhibcaha lagu helo imtixaanka AP ee Oregon State University, University of Oregon iyo Portland Community College, guji halkan.
Ma beddeli karaa markaan imtixaanka galo?
Taariikhaha/waqtiyada imtixaanka waxa dejiya Guddiga Kulliyada. Xusuusnow in Imtixaannada AP ay tahay qasab in la qaato kaliya waqtiyada ay dejiyeen Guddiga Kulliyadu. Mararka qaarkood, waxa soo baxa xaalado ka horjoogsada ardayga inuu u fadhiisto imtixaanka AP-ga maalinta/saacadda loo qoondeeyay. Fadlan la hadal Isu-duwaha AP-ga ee dugsigaaga. Halkan guji si aad u arragto jadwalka Taariikhda Imtixaanka 2019.
Ma jirtaa gargaar dhaqaale oo loo heli karo imtixaannada AP ee 2019?
Qoysasku waxay dalban karaan dhimista khidmada ama ka dhaafida khidmada imtixaanka AP. Qoysasku way dalban karaan dhimis khidmadeed ama ka dhaafida khidmada imtixaanka AP Haddii aad u qalanto qado bilaash ah ama qiime jaban, ama haddii aad dhib ku qabtid bixinta imtixaannada AP, kala hadal isu-duwaha AP-ga ee dugsigaaga sare.
Ka waran haddii aan haysto Qorshe Waxbarasho oo La Shaqsiyeeyay ama qorshe 504 ah?
Guddiga Kulliyadu waa qasab inay ansixiyaan wixii isbeddel ah ee ku yimaada qaadista imtixaanka AP. Ardayda raba inay helaan wax ka beddelida imtixaanka waa inay ula xiriiraan la taliyahooda dugsiga sare SIDA UGU DHAQSAHA BADAN. Waxay kaala shaqeynayaan u gudbinta waraaqaha habboon Guddiga Kulliyadda si ay u oggolaadaan wax ka beddelka imtixaanka kahor gudbinta kama dambeysta ah ee Janaayo 17, 2020. Qoysasku way dalban karaan kadib taariikhdan, laakiin ma jiro wax dammaanad qaad ah oo sheegaysa in Guddiga Kulliyadu ay dib ugu eegi doonaan codsiyada soo daahay ee qaadista bisha Maayo. Haddii aadan sameynin codsiga ah waxka beddelida wakhti habboon, waxa suuragal ah inaadan helin oggolaanshaha Guddiga Kulliyada.
Ka waran haddii aan leeyahay labo imtixaan oo AP ah isla hal maalin?
Ardayda jecel inay iska diiwaangeliyaan laba imtixaan oo la bixiyo isla hal maalin waa inay si buuxda u buuxiyaan foomka diiwaangelinta oo ay bixiyaan lacagta. Ardayga waxa la soo xiriiri doono Adeegga Imtixaanaadka AP si loogu wargaliyo midka labada imtixaan ee AP loo qoondeeyay taariikh kale iyo tafaasiisha taariikhda/saacada. Meeleeynta waxa lagu sameyn doonaa iyadoo lagu saleynayo tirooyinka iyo goobta banaan/helitaanka ilaaliyaha. Fadlan arag Isu-duwaha AP ee dugsigaaga sare si aad u hesho macluumaad ku saabsan taariikhaha imtixaanka. Laguuguma daalici doono $45 oo ah lacagta imtixaanka dib dhacay markan oo kale.
Ma qaadan karaa imtixaan intaan iska “soo galo” (anoo iska imaanayo maalinka imtixaanka si aan isku diiwaan galiyo oo aan ugu fadhiisto imtixaan)?
Ardayda aan hore iskugu diiwaangalin imtixaanka AP looma oggolaanayo inay galaan imtixaanka AP.
Ka waran haddii aanan qaadan karin imtixaanka AP taariikhda la qaadanayo?
Guddiga Kulliyadu waxay sameeyaan qoondayn goorta ardaydu aysan awoodin inay galaan imtixaanka AP waqtigiisa caadiga ah/waqtiga loo qorsheeyay. Xaaladaha qaarkood, khidmad $45 ah ayaa lagu daalici doonaa imtixaan kasta oo lagu qaado taariikh/waqti kale. Fadlan booqo Isu-duwaha AP-ga ee dugsigaaga si aad u hesho wixii faahfaahin ah.
Ma u baahanahay inaan macallimiinta kale fasax uga qaato maqnaanshahayga inta lagu jiro imtixaanka?
Dugsigaagu wuxuu lahaan doonaa fasax kaas oo ay ardaydu ka maqnaan doonaan dhismaha maalmaha imtixaanka. Adiga ayaa mas’uul ka ah dhamaan shaqooyinka dugsiga ee aad seegtay muddadii aad u maqnayd imtixaanada AP®. Dugsiyada waa la ogeysiin doonaa ardayda aan u imanin imtixaanadooda AP®.
Muddo intee le’eg ayay qaadan doontaa inaan dhameystiro imtixaankayga AP-ga? Goor hore ma bixi karaa?
Sida ay dhigayaan harciyada amniga imtixaannada ee Gudiga Kulliyada, ardaydu kama bixi karaan imtixaanka illaa waqtiga uu dhamaado oo dhamaan imtixaan qaatayaasha la fasaxo. Haddii ardaygu ka baxo fasax la’aan, imtixaankooda ayaa la qaadayaa oo si gooni ah ayaa loogu gudbin doonaa Guddiga Kulliyada. Dhibcohooda waa la tirtiri doonaa lacag in loo soo celiyaana suurtagal ma noqon doonto. Imtixaanku wuxuu socon doonaa qiyaastii 4 saacadood. Fadlan isku diyaari xilliga imtixaanka lagu jiro. Imtixaannada galabta ah, waa mas’uuliyadda ardayga inay u sheegaan tobabarayaasha, qoysaska iyo loo shaqeeyayaasha jadwalkooda imtixaanka AP.
Guji halkaan si aad u hesho Qiyaasta Saacadaha Imtixaannada AP
Sideen ku heli karaa dhibcahayga?
Dhibcaha AP waxaa lagu heli doonaa onlayn bilowga Luulyo 2020. Ardayda waxa iimayl u diri doona Guddiga Kulliyada (iimaylka lagu qoray astaanta MyAP ee Gudiga Kulliyada) si ay kuugu sheegaan in dhibcahaagu ay diyaar u yihiin inaad hesho. Waxaad ka gali kartaa astaantaada (profile) Guddiga Kulliyada http://apscore.org Si aad u hesho dhibcahaaga.